WAR CUSUB: Maalinta uu Mauro Icardi tijaabada caafimaad u marayo kooxda Real Madrid oo la shaaciyey

0
1188

Sida wararku ay sheegayaan Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Inter Milan Mauro Icardi ayaa tijaabada caafimaad u mari doona Real Madrid 26 bishan December.

Kooxda reer Spain ayaa xilli ciyaareed niyad jab leh ku bilaabtay kal ciyaareedkan, waxaana ay hadda fadhisaa kaalinta afaraad ee kala horreynta horyaalka La Liga, iyadoo sided dhibcood ka dambeeya naadiga ay xafiiltamaan ee Barcelona oo hoggaanka u haysa horyaalka.

Alvaro Morata ayaa isaga tagay Real Madrid oo ku biiray Chelsea, halka Weeraryahannada BBC la isku yiraahdo ee Karim Benzema, Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo aysan goolal wax ku ool ah ka dhalin horyaalka sidaas darteed Macallin Zinedine Zidane ayaa raadinaya fursad uu ku horumariyo weerarka kooxdiisa.

Warsidaha Diario Gol ayaa warinaya Icardi ayaa ah bartilmaameedka weerar ee ugu weyn macallin Zidane, waxaana uu tijaabada caafimaadka u mari doonaa dhammaadka bishaan si uu ugu soo dhaqaaqo bisha Janaayo.

Dhammaan saddexda ciyaaryahan ee weerarka uga ciyaara Rea Madrid Karim Benzema, Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo ayaa la la xiriirinayay inay ka tagayaan kooxda.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan