Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska oo ganaax dul dhigay tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte

0
1163

Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa ganaax lacageed oo dhan 8 kun oo giniga istarliinka ah dul dhigay tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte, kaddib dhaqan xumadii uu sameeyey intii lagu guda jiray kulankii todobaadkii la soo dhafay ay Chelsea la ciyaartay Swansea City ee Premier League.

Macallin Conte ayaa aqblay dacwaddii uu ku soo oogay xiriirka kubadda cagta Ingiriiska, kaddib markii garsoore Neil Swarbrick uu kaarka casaanka ah u  taagay kulankii ka dhacay garoonka Stamford Bridge oo ay 1-0 guusha kaga gaareen Swansea City 7 maalmood ka hor.

Si kastaba ha ahaatee, macallinkii hore ee hore ee xulka qaranka Talyaaniga iyo kooxda Juventus ayaa ka carooday waqti dhumiskii ay sameynayeen xiddigaa Swansea City qeybii hore ee ciyaarta taasoo uu markii dambe raali gelin ka bixiyey.

“Inuu go’aanka cadaalad ahaa ma garanayo, laakiin garsooraha go’aanka wuu qaatay, sababtaas darteed waa inaan aqbalno oo ixtiraamno go’aankiisa.” ayuu Conte yiri.

“Tababaraha Chelsea ee Antonio Conte waxaa lagu ganaaxay lacag gaareysa siddeed kun oo gini kaddib markii uu aqbalay dacwadii ay ku soo oogay FA-ga, ganaaxan waxa uu daba socdaa casaankii la siiyay kulankii Swansea City ee dhacay 29-ka bishii November.” ayuu u dhignaa bayaan ka soo baxay xiriirka kubada cagta Ingiriiska.

Chelsea ayaa fadhisa kaalinta saddexaad ee kala horreynta horyaalka Premier League, waxaana ay 11-dhibcood ka dambeysaa hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Manchester City.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan