Cristiano Ronaldo Oo Xalay Rikoor Cusub Ka Sameeyay Wareega Group-yada Champions League

0
610

Xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay abid lix gool ka dhaliya lixda kulan ee ugu horeysa wareega Group-yada Champions League hal xilli ciyaareed, inkastoo kooxdiisa ku guuldarreystay in ay kusoo baxdo kaaalinta kooowaad.

kooxda heysata tartanka Champions League ayaa 3-2 kaga badisay kooxda ka dhisan Germny ee Borussia Dortmund, iyadoo Ronaldo mid kamid ah goolasha dhaliyay.

Dortmund ayaa isaga hartay Champions League kadib markii laba dhibcood kaliya ay ka heleen lixdii kulan ee ugu horeysay wareega Group-yada.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa laba gool u dhaliyay kooxda Borussia Dortmund, iyadoo Shinji Kagawa seegay fursad uu ciyaarta kaga dhigi karay 3-3.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan bandhig fiican ku heysta tartanka Champions League, inkastoo kaliya uu laba jeer shabaqa soo taabtay 10 kulan oo uu ka ciyaaray horyaalka La Liga.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan