HORDHACA: Arsenal vs BATE Borisov- Gunners Oo U Baahan Inay Ka Baxdo Abaarta Ka Heysta Shabaqa

0
649

Arsenal ayaa rajeyneysa inay dib usoo celiso qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa marka ay tartanka Europa League kulanka ugu dambeeya wareega group-yada ku wajahayaan caawa kooxda BATE Borisov.

Gunners ayaa durbaba xaqiijisay booskeeda kaalinta koowaad ee Group H, laakiin waxa ay ku guuldareysteen inay shabaqa soo taabtaan labadii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.

Waligeed ma dhicin in Gunners ay gool dhalin weydo saddex kulan oo xiriir ah tartanada Yurub.

Arsenal ayaan looga badin gurigeeda todobadii kulan ee ugu dambeysay wareega Group-yada tartankaan, waxaana ay dhalisay 18 gool.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Emirates Stadium

SAACADA: 11:05 PM

MAXAA CUSUB?

Wenger ayaa laga yaabaa inuu dib ugu yeero shaxdiisa ciyaartoy fara badan oo ka mid ah ciyaartoydiisa kursiga keydka, iyadoo Jack Wilshere, Theo Walcott iyo Olivier Giroud la filayo inay kusoo bilowdaan

Waxaa weli Arsenal ay dareemeysaa dhibaato daafaca ah, iyadoo Shkodran Mustafi uu la dhibtoonayo dhaawac muruqa ah oo soo gaaray kulankii Manchester United.

Daaafaca Germanya ayaa la xaqiijiyay inuu sidookale seegi doono kulanka axada Premier League kooxdiisa ku wajaheyso Southampton.

XAQIIQADA KULANKA

Kani wuxuu noqon doonaa kulanka labaad ee u dhaxeeya labada kooxood ka dib markii ay kulankii ugu horeeyay Arsenal kaga badisay 4-2 kooxda reer Belarussian.

Haddii Gunners ay garaacdo BATE, waxay 13 dhibcood ka uruursan doontaa lix kulan oo wareega group-yada Europa League ka ciyaaartay, kaliya Tottenham Tottenham oo xili ciyaaareedkii 2013/14 uruursatay 18 ayaa ka badan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan