Inter Milan Oo Diidan Qorshe Jose Mourinho Doonayo In La Isku Dhaafsado Juan Mata Iyo Joao Mario – Nerazzurri Xiddig Kale Ayay Ka Rabaan Old Trafford

0
674

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa diyaar u ah inuu ka qeyb dhigo Juan Mata heshiiska Bisha Janaayo uu kula soo wareegayo Joao Mario.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Milan ayaa ku dhawaaday inuu ku biiro garoonka Old Trafford ka hor inta uusan u dhaqaaqin Serie A.

24 jirkaan ayaa si weyn kaga dhax muuqda garoonka San Siro tan iyo markii uu kaga yimid kooxda Sporting Lisbon sannadkii 2016kii.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, tababare Jose Mourinho ayaa indhaha ku haya inuu lasoo saxiixdo xiddiga reer Portugal ee Joao Mario.

Heshiiska Joao Mario waxaa ka qeyb noqon kara Juan Mata oo aan boos joogta ah ka heysan shaxda tababaraha Manchester United Jose Mourinho.

29 jirka reer Spain Juan Mata ayaan ku faraxsaneyn inuu ka tago Manchester United kuna biiro kooxda ka dhisan Talyaaniga ee Inter Milan.

Laakiin sida lagu daabacay maanta Corriere dello Sport Inter ayaa dalbaneysa in wadahadalada bisha Janaayo lagu daro ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Henrikh Mkhitaryan.

Jose Mourinho iyo Henrikh Mkhitaryan ayaan isku fiicneyn tan iyo markii macalinka Portugal dhaleeceyn usoo jeediyay qaab ciyaareedka ciyaaryahanka.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan