Lionel Messi oo ka warbixiyey dabeecadda labadiisa wiil, midkee ayaa dabeecad wanaagsan Thiago iyo Mateo?

0
1318

Ka dib markii ay Barcelona usoo baxday wareegga 16ka tartanka UEFA Champions League, Lionel Messi ayaa helay fasax gaaban, wuxuuna bixiyey wareysi iyadoo ay garab joogeen labadiisa wiil Thiago iyo Mateo.

Thiago Messi wuxuu jiraa shan sanno, halka Mateo uu jiro laba sanno, xiddiga kooxda Barcelona Leo Messi ayaana wuxuu daaha ka qaaday inay labadiisa wiil si aan caadi aheyn u kala dabeecad duwan yihiin.

Messi oo la hadlayey TyC Sports wuxuu yiri: “Thiago waa shaqsi dabeecaddiisu ay aad u wanaagsan tahay, marwalba wuxuu u dhaqmaa si wanaagsan, laakiin Mateo dabeecadda Thiago ayuu caksi ku yahay.

“Mateo aad ayuu u dhib badan yahay, waase wax wanaagsan inay labadoodu dabeecad ahaan kala duwanaadaan. Maxaa yeelay waa wax caadi ah in laba walaalo ah aysan isku dabeecad noqon”.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan