Liverpool oo wareega 16-aad Champion-ka iska xaadirisay kulan Coutinho sedexley dhaliyay laguna dur duriyay Spartak Moscow

0
407

 

Kooxda Liverpool ayaa 7-0 ku xaaqday naadiga Spartak Moscow iska xaadirisay wareega 16-aad koobka horyaalada Yurub ayadoo kaalinta kowaad kaga soo baxday Guruubkeeda E.

Phillipe Coutinho aya kulankan sedexley dhaliyay ayadoo qaybta hore lagu kala nastay Liverpool oo 3-0 ku hogaamineyso.

Mane ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay halka Firmino iyo Salah min gool dhaliyeen taasi oo ka dhigtay Liverpol afareydeeda weerarka MSF inay kulankaan go’aamiyeen.

Liverpool waxay noqotay naadiga 5-aad ee Ingiriis ah wareega 16-aad usoo baxdo waana markii ugu horeesay 5-naadi Ingiriis ah iska xaadiriyaan wareega 16-aad Champion-ka.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan