Man Utd Oo Seddex Ciyaaryahan La Saxiixaneysa Bisha Janaayo, Maxayse Tahay Sababta Jose Mourinho Kaga Walwalsan Yahay Man City?

0
1391

Red Devils ayaa si wacan ku bilowday xilli ciyaareedkan, waxaana ay heystaa rikoorka daafaca ugu fiican Premier League, iyagoo sidookale dhaliyay 35 gool 15 kulan oo ay ciyaareen.

Si kastaba ha ahaatee, Tababare Mourinho ayaa weli raadinaya inuun soo yareeyo farqiga dhibcaha ay ka sareyso kooxda horyaalka Premier League hogaamineyso ee Manchester City.

Sida laga soo xigtay Yahoo Sport, Maamulka Manchester United ayaa u ogolaaday tababare Jose Mourinho inuu lacag badan ku qarash gareeyo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Special One ayaa doonaya inuu kusoo daro kooxdiisa daafac bidix, ciyaaaryahaka garabka ka ciyaara iyo xiddiga khadka dhexe ah.

Manchester United ayaa la filayaa inay gabi ahaanba ku qarsh gareeyaan suuqa kala iibsiga bisha Janaayo lacag 80 milyan oo ginni ah.

Yahoo Sport ayaa intaa ku daray in Mourinho uu ka walwalsan yahay kooxda Manchester City oo dhankeeda lagu wado in ay suuqa qarash galiso marka uu furmo.

Pep Guardiola ayaa rajeynaya inuu difaac cusub kusoo daro kooxdisa, sidoo kale waxaa bartilmaameed u ah xiddiga Arsenal ee Alexis Sanchez.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan