Man Utd vs Man City: Shax isku dhaf ah oo laga sameeyey labadaan kooxood ka hor kulanka Manchester derby

0
1710

Kooxda tababare Pep Guardiola ee Manchester City ayaa waxay Axada booqan doontaa garoonka Old Trafford iyadoo kula soo ciyaareysa wiilasha tababare Jose Mourinho ee Manchester United kulanka Manchester derby.

Man City ayaa 8 dhibcood oo nadiif ah ku hogaamineysa horyaalka England Premier League, balse kulan lix dhibcood ah ayey ku wajaheysaa Man United oo kaalinta 2aad uga jirta horyaalka EPL.

Dabcan, Man City iyo Man United waa laba ka mid ah kooxaha ugu xoogan horyaalka Premier League, shax isku dhaf ah ayaana laga sameeyey labadaan kooxood ka hor kulanka Manchester derby.

Paul Pogba ayaa ganaax ku seegaya kulankaan, sidaas darteed xitaa laguma fikirin in shaxdaan lagu soo daro, sidoo kale waxaa laga reebay Benjamin Mendy iyo John Stones kuwaasoo dhaawac ku seegaya ciyaartaan.

Midkee loo soo xushay booska daafaca dambeedka midig Antonio Valencia mise Kyle Walker? Yaa booska qadka dhexe ee burburiya loo soo xushay Nemanja Matic mise Fernandinho? Dhammaan su’aalahaan waxaa kaaga jawaabaya shaxdaan isku dhafka ah.


Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Laga Sameeyey Kooxaha Manchester United Iyo Manchester City Ka Hor Kulanka Manchester Derby:

David de Gea (Manchester United); Antonio Valencia (Manchester United), Chris Smalling (Manchester United), Nicolas Otamendi (Manchester City), Ashley Young (Manchester United); Fernandinho (Manchester City), Kevin De Bruyne (Manchester City), David Silva (Manchester City); Raheem Sterling (Manchester City), Leroy Sane (Manchester City), Sergio Aguero (Manchester City).


Ugu dambeyntii, Manchester United oo afar ciyaaryahan ku leh shaxdaan isku dhafka ah ayaa looga adkaaday, maadaama Manchester City todobo ciyaaryahan ay ku leedahay shaxdaan isku dhafka ah ee ay sameysay shabakadda Fourfourtwo.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan