Muxuu Cristiano Ronaldo ka damacsan yahay koobka UEFA Champions League xilli ciyaareedkaan, isaga ayaa ka jawaabay!

0
1163

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu indhaha ku hayaa inuu markii seddaxaad oo xiriir ah ku guuleysto koobka UEFA Champions League ka dib markii uu xalay rikoor kale u dhigay tartanka UCL.

Ronaldo oo ah hogaamiyaha gooldhalinta koobka UCL, ayaa wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey taariikhda kaasoo goolal ka dhaliya dhammaan lixda kulan ee guruubyada tartanka UEFA Champions League hal xilli ciyaareed. Los Blancos ayaana Arbacadii guul 3-2 ah ka gaartay kooxda Borussia Dortmund.

Real Madrid ayaa haatan isku diyaarineysa inay wareegga 16ka ku wajahdo koox kaalinta koowaad uga soo baxday guruubkeeda, maadaama ay kaalinta labaad uga soo baxday Group H.

Ku guuleystaha afarta jeer ee abaalmarinta Ballon d’Or oo laga yaabo inuu Khamiista markiisii shanaad ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or, ayaana isha ku haya inuu markiisii seddaxaad qaado koobka Champions League.

Ronaldo ayaa saxaafadda u sheegay: “Waxaan ku rajo weynahay inaan markale ku guuleysan karno koobka Champions League.

“Sheyga ugu muhiimsan wuxuu ahaa inaan kasoo gudubno wareegga guruubyada Champions League.

“Hadda yoolkaas waan gaarnay, ujeedkeennuna wuxuu yahay inaan ku guuleysanno koobka Champions League markii seddaxaad oo xiriir ah”.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan