Muxuu Philippe Coutinho Ka Yiri Inuu Saddex Gool Dhaliyay Markii Ugu Horeysay Ee Uu Noqday Kabtanka Reds

0
938

Xiddiga Liverpool Philippe Coutinho ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, isagoo dhaliyay saddexleey kulankii ugu horeeyay ee loo magcaabay kabtanka kooxda.

Philippe Coutinho oo ahaa kabtanka kooxda markii ugu horeysay waxa uu ku hogaamiyay guul 7-0, isagoo dhaliyay seddexleeydiisii ugu horeysay kooxda Reds.

Coutinho ayaa loo magacabay kabtanka Liverpool kadib markii Jordan Henderson la dhigay keydka kulankii Spartak Moscow ee ka dhacay gobolka merseyside.

Xiddiga reer Brazil Philippe Coutinho oo lala xiriirinayo kooxda Barcelona waxa uu dhaliyay laba gool 15kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta xili Reds usoo baxday wareega 16ka Champions League tan iyo xili ciyaareedkii 2008-09.

“Waxa ay aheyd habeen qaas ah, aad ayaan ugu faraxsanaa goolasheyda iyo qaab ciyaareedkeyga” ayuu Coutinho u sheegay UEFA.com.

“Waa mid gaar ah calaamada kabtanimo ee kooxda, waxay aheyd markii ugu horeysay ee aan hogaamiyo kooxda Liverpool.

“Waxaan wajihi karnaa kooxo waa weyn wareega xiga ee tartankaan, laakiin waan arki doonaa cida aan ku dhacno” ayuu hadalkiisa ku daray Philippe Coutinho.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan