Napoli oo si fool xun Champion-ka uga hartay halka Shakhtar wareega 16-aad u gudubtay

0
479

 

Kooxda Napoli ayaa awoodeeda Serie A-da kusoo bandhigi weesay tartamada Yurub waxayna si waji gabax ku dheehan uga hartay Champion-ka.

Napoli ayaa guuldaro 2-1 kala kulantay naadiga Feyenoord xili ay safar ahaayeen taasina waxay soo idleesay rajo walbo oo ay ka qabeen inay wareega xiga u gudbaan.

Kooxda Shakhtar iyadana si geesinimo ku dheehan waxay 2-1 kaga badiyeen naadiga Man City waana ku filnaan waayay Sergio Aguero daqiiqadii 90-aad goolka uu City u dhaliyay.

Kooxda Man City kaalinta kowaad ayay kusoo baxday balse guuldaradii ugu horeesay ayay xili cayaareedkan Champion-ka la kulantay waxaana lasoo idleeyay guulaheedii xariirka ahaa ayadoo 15-dhibcood la imaaday Guruub F.

Kooxda Shakhtar ayaa 12-dhibcood kusoo baxday halka Napoli 6-dhibcood heshay 6-kulan ay cayaartay waxayna ku dhameesatay booska 3-aad ayadoo europa League aadi doonto.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan