Real Madrid iyo Tottenham oo guulo kusoo qatimeen kulamada Guruub H

0
386

 

Kooxda Tottenham ayaa kaalinta kowaad kaga soo baxday Guruub H ayadoo kulankeedii ugu dambeeyay 3-0 guusha kaga qaadatay naadiga APOEL.

Fernando Llorente aya abaarta goolasha ka baxay asigoo Spurs hogaanka u dhiibay daqiiqadii 20-aad sidoo kalena Heung-Min Son ayaa 2-0 ka dhigay daqiiqadii 37-aad.

Kulankaan oo dhamaad ku dhow Spurs waxaa goolka sedexaad u dhaliyay Georges N’Koudou daqiiqadii 80-aad.

Real Madrid 3-2 waxay guusha kaga qaadatay Dortmund kulan Madrid 2-gool laga daba keenay xaalkana ku xumaan rabay.

Borja Mayoral ayaa Real Madrid hogaanka u dhiibay daqiiqadii 8-aad halka Ronaldo uu 2-0 ka dhigay daqiiqadii 12-aad.

Qaybta kowaad oo labo daqiiqo ka dhigan waxa Dortmund cayaarta kusoo celiyay Aubameyang sidoo kalena qaybta labaad marka la isku soo laabtay ayadoo sedex daqiiqo socoto ayuu Aubameyang 2-2 ka dhigay.

Dortmund dagaalkeedii waxaa meel cidlo ah kasoo qaaday Lucas Vazquez oo daqiiqadii 83-aad Real Madrid guusha siiyay cayaartana 3-2 ka dhigay.

Tottenham ayaa Guruub H kaalinta kowaad kaga soo baxday ayadoo la timid 16-dhibcood halka Real Madrid kaalinta labaad ku dhameesatay ayadoo aruursatay 13-dhibcood.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan