Real Madrid Oo La Xiriirtay Eden Hazard Oo Dib U Dhigay Wadahadalkii Uu Qandaraaska Ugu Kordhin Lahaa Chelsea

0
449

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane iyo madaxweynaha kooxda Florentino Perez ayaa xiriir la sameeyay xiddiga kooxda Chelsea Eden Hazard.

Ciyaaryahanka Chelsea ayaa bartilmaameed u ah kooxda Santiago Bernabeu ka dhisan, xili uu dib u dhigay wadahadal uu heshiis cusub ugu saxiixi lahaa koxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Wargeyska Diario Gol ayaa haatan sheegaya in tababare Zinedine Zidane uu xiriir toos ah la sameeyay Hazard si uu kaga dhaadhiciyo inuu kusoo biiro Real Madrid.

Sda uu shaaca ka qaaday wargeyska Sportsmail horaantii Isbuucaan, maamulka Real Madrid ayaa ka hadlay xaalada suuqa kala iibsiga bisha janaayo.

Heshiiska Eden Hazard ugu biirayo Real Madrid waxaa lagu dari doonaa xiddiga reer Spain ee Marco Asensio kaasoo bartilmaameed u ah kooxda Chelsea.

Perez  ayaa diyaar u ah inuu qiimo walba ku bixiyo keenista Hazard, oo loo arko bedelka Cristiano Ronaldo oo aan la hubin mustaqbalkiisa Santiago Bernabeu.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan