SAADAASHA ISKU AADKA ISNIINTA: Chelsea oo boqolkiiba 40 ku beegmi karta Barca heerka 16ka UCL, balse kooxdee ayey ku aadi kartaa Real Madrid?

0
1571

Isniinta waxaa la sameyn doonaa isku aadka wareegga 16ka ee tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League, saadaasha la bixinayo ayaana tilmaameysa inay u badan tahay inay isku beegmaan labada kooxood ee waa weyn Chelsea iyo Barcelona.

Dhanka kale, kooxda ka dhisan Talyaaniga ee AS Roma ayey u badan tahay inay ku aado midkood labada kooxood ee reer Spain Real Madrid ama Sevilla.

Spain ayaa seddax kooxood ku yeelan doonta isku aadka wareegga 16ka tartanka UCL xilli ciyaareedkaan, maadaama ay Atletico Madrid ku hartay heerka guruubyada iyadoo ka ciyaari doonta koobka UEFA Europa League.

Bandhig ciyaareedka kooxaha reer Spain ay kusoo bandhigeen UCL haddii aan ka sheekeyno, Barcelona ayaa kaalinta koowaad uga soo baxday guruubkeeda, halka Los Blancos iyo Sevilla ay kaalinta labaad uga soo baxeen guruubyadooda.

Ka hor isku aadka Isniinta, sawirka sarre ka eeg boqolkiiba inta ay kooxdaadu fursad u heysato inay ku aado kooxaha kale

Sharciga koobka UCL ayaa wuxuu dhigayaa inay kooxaha kaalinta koowaad uga soo baxa guruubyadooda ku aadi karaan kooxaha kaalinta labaad uga dhammeysta guruubyadooda marka la sameynayo isku aadka wareegga 16ka, waxaana intaas sii dheer in aysan isku beegmi karin kooxaha isku dalka ah marka la sameynayo isku aadka wareegga bugbaxda.

Qiimeyn ayaa cajiib ah ayaana la sameeyey, iyadoo lasoo bandhigay boqolkiiba inta ay kooxdaadu fursad u heysato inay ku beeganto kooxaha kale wareegga 16ka Champions League.

Macquul ahaanshiyo weyn ayaana soo baxay oo la xiriira inay La Blaugrana ku aadeyso Chelsea, iyadoo boqolkiiba 40 ay macquul tahay inay isku beegmaan labada kooxood ee ka kala dhisan Spain iyo England.

Real Madrid iyo Sevilla ayaana boqolkiiba 19 fursad u heysta inay ku beegmaan kooxda AS Roma. Halka ay boqolkiiba 18 fursad ah u heystaan inay ku beegmaan kooxaha reer Englan ee Manchester United iyo Manchester City.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan