Shan Waxyaalood Oo Kasoo Baxay Kulamadii Ugu Dambeeyay Wareega Group-yada Champions League

0
740

Kooxda Shanta jeer ku guuleysatay Champions League ee Liverpool ayaa iska xaadrisay wareega 16ka xalay, halka Shakhtar Donetsk, Porto iyo Sevilla ay sidoo kale ku biireen kooxaha usoo baxay wareegga knockout.

Isku aadka kulamada wareega 16ka tartanka Champions League ayaa la sameyn doonaa maalinta isniinta ah, iyadoo la filayo in ay isku dhacaan kooxo waaweyn.

Halkaan, Shabakkada ciyaaraha GOOL.NET, waxay idin kugu soo gubdineysaa shan waxyaabood oo aan ka baranay  kulamadii ugu dambeyay ciyaaraha wareega group-stage tartanka Champions League.

1) Liverpool Inay Diyaar U Tahay Dagaal

Uma baahneyn kaliya iny ka fogaato guuldaro kasoo gaarta Spartak Moscow kulankii xalay ee Anfield ee waxa ay u baahneyd in ay gaarto wareega 16-ka markii ugu horeysay sagaal sanadood kadib.

Liverpool ayaa ku raaxeysatay kooxda heysata horyaalka Russia markii ay kaga badiyeen 7-0 kulankii ugu dambeeyay Group E, waxaana ay haatan kusoo baxeen kaaalinta koowaad.

Jurgen Klopp ayaa kulankaan u magcaabay ciyaartooydiisa ugu fiican dhanka weerarka si ugu yaraan goolal ay u dhaliso kooxdiisa.

Sadio Mane, Roberto Firmino, Mohamed Salah iyo Philippe Coutinho ayaa dhamaan kusoo laabtay shaxda koowaad ee Reds kulankii xalay.

Coutinho ayaa dhaliyay seddexleydiisii ugu horeysay kooxda Liverpool, halka Mane, Firmino iyo Salah ay shabaqa soo taabteen.

Weerarka lagu magcaabo fab four ee Liverpool ayaa ku lug yeshay xili ciyaareedkaan 45 gool.

2) Ronaldo Inuu Weli Jabinayo Rikoorada

Real Madrid ayaa ku guuldareysatay inay ka faa’ideysato barbarihii Barcelona kadib markii ay 0-0 la gashay La Liga kooxda Athletic Bilbao.

Xiddiga Adduunka Ronaldo ayaa kaliya labo jeer shabaqa soo taabtay 10 kulan oo uu kasoo muuqday La Liga xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu jabiyay rikoorkii labaad ee Champions League kulankii ay kooxdiisa 3-2 kaga badisay Borussia Dortmund.

Xiddiga ugu goolasha badan taariikhda tartankaan ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay abid lixda kulan ee ugu horeysa xilli ciyaareedka shabaqa soo taabta.

3) Napoli Waa Ku Dhban Taahay Tartamada Yurub

Horyaalka Serie A-da kooxda ka dhisan ee Napoli ayaa hoos u dhac sameysay, waxaana ay ku biirtay tartanka Europa League, iyadoo Shakhtar Donetsk kusoo baxday kaalinta labaad ee Group-ka.

kooxda Maurizio Sarri hogaamiyo ee Napoli ayaa ku fashilmay tartanka Champions League, waxaana ay ka badin waayeen kooxaha Feyenoord iyo Shakhtar.

Waxa ay haatan dagaal ugu jiraan Napoli in ay qaadaan horyaalka talyaaniga markii ugu horeysay tan iyo 1990kii, inkastoo qasaaro 1-0 ah kala kulmeen Juventus.

4) Dhibaatada Monaco ma dhamaan weli

Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Monaco ayaa laga saaray tartamada Europe labo todobaad ka hor, iyadoo 4-1 qasaaro ah kala kulantay kooxda RB Leipzig.

Wiilasha Leonardo Jardim ayaa hoos u dhac weyn sameeyay sannadkaan kadib markii ay gaareen wareega semi-finalka xili ciyaareedkii hore.

Bixintaankii Kylian Mbappe, Bernardo Silva, Tiemoue Bakayoko iyo Benjamin Mendy ayaa saameyn weyn ku yeeshay kooxda ka dhisan France.

5) Besiktas Waa kooxda Lamna Filaan Kusoo Baxday

Besiktas ayaa ayaa qaab ciyaareedka cajiib ah lasoo baxday xili ciyaareedkaaan tartanka Champions League, kadib markii ay kusoo baxeen kaalinta koowaad ee Group G.

Kooxda uu hogaamiyo Senol Gunes ayaa gaartay 31 sanno kadib markii ugu horeysay wareega 16ka Champions League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan