Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp oo ka hadlay halista kooxdiisa ee tartanka UCL, ma jirto koox dooneysa inay nagu beeganto!

0
722

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa wuxuu sheegay in midkoodna kooxaha usoo baxay wareegga 16ka tartanka UEFA Champions League uusan dooneyn inuu ka horyimaado kooxdiisa Reds ka dib guushii 7-0 aheyd ee ay Arbacadii ka gaareen Spartak Moscow.

Liverpool ayaa guud ahaan 23 gool ka dhalisay heerka guruubyada tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkaan, waxayna aheyd kooxda labaad ee ugu goolasha badan heerka guruubyada UCL marka laga soo tago Paris St-Germain oo 25 gool ka dhalisay.

Reds ayaa dhalisay 32 gool sagaal kulan oo ay ciyaartay tartamada oo dhan iyadoo aan laga adkaan tan iyo dabayaaqadii bishii October markaasoo ay guuldarro kala kulantay Tottenham.

Tababare Jurgen Klopp ayaana daaha ka qaaday inuu qaab ciyaareedka kooxdiisu cabsi gelinayo koox walba oo ay ku wajahaan wareegga 16ka Champions League oo la ciyaari doono bisha February ee sannadka soo aadan.

Klopp ayaa saxaafadda u sheegay: “Haddii aan u ciyaarno sida aan caawa u ciyaarnay oo kale, haddii aan sidaan u ahaanno kuwo arxanlaaweyaal ah oo goolal badan ka dhaliya kooxaha kasoo horjeeda, haa markaas waa ay naga cabsanayaan kooxaha usoo baxay wareegga 16ka.”

Philippe Coutinho ayaa seddaxleey goolal ah u dhaliyey kooxda Liverpool markii ugu horreysay xirfaddiisa, Sadio Mane ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay, iyadoo Roberto Firmino iyo Mohamed Salah ay goolasha kale dhaliyeen.

Liverpool oo kaalinta koowaad uga soo baxday Group E, ayaana haatan ka fogaatay inay ku beeganto kooxaha PSG, Barcelona iyo AS Roma – balse waxay ku aadi kartaa Bayern Munich, Juventus ama Real Madrid.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan