Tababaraha Shakhtar Donestk oo ka dhabeeyey ballankii uu qaaday ka dib markii ay kooxdiisu guul ka gaartay Man City (Sawirro)

0
1682

Tababaraha kooxda Shakhtar Donestk Paulo Fonseca ayaa wuxuu kasoo baxay ballantii uu qaaday, ka dib markii ay kooxdiisu usoo baxday wareegga 16ka koobka UEFA Champions League.

Macalinka kooxda Shakhtar Donestk Paulo Fonseca ayaa wuxuu soo xirtay lebiska loo yaqaanno ZORRO (Indho-shareer iyo koofi madoow).

Kooxda ka dhisan dalka Ukraine ee Shakhtar Donestk ayaa waxay isku guruub ahaayeen kooxaha Manchester City, Napoli iyo Feyenoord. Tababare Paulo Fonseca ayaana ballan qaaday inuu soo xiran doono lebiska ZORRO haddii ay kooxdiisu kasoo baxdo guruubkaan.

Shakhtar Donestk ayaa keliya hal dhibic u baahneyd markii ay xalay wajahday kooxda Pep Guardiola ee Man City, laakiin guul 2-1 ah ayeyba gaartay, iyadoo wiilasha Pep Guardiola laga adkaaday markii ugu horreysay xilli ciyaareedkaan.

Tababare Paulo Fonseca ayaana shirkiisii jaraa’id ee uu saxaafadda u qabtay ku yimid lebiska loo yaqaanno ZORRO (Indho-shareer iyo koofi madoow).

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRADIISA.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan