Ugu Dambeyn Tababare Arsene Wenger Oo Go’aamiyay Mustaqbalka Theo Walcott, Olivier Giroud Iyo Jack Wilshere- Miyay Ka Tagi Doonaan Arsenal?

0
1289

ARSENE WENGER ayaa shaaca ka qaaday in xiddigaha jahwareerka ka jiro mustaqbalkooda aan loo ogolaan doonin in ay ka tagaan Arsenal bisha soo aadan.

Theo Walcott, Olivier Giroud iyo Jack Wilshere ayaa dhamaantood kujira shaxda koowaad ee Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana lala xiriirinayaa in ay ka tagaan kooxda.

Seddexda ciyaaryahan oo kusoo bilaaban doona kulanka caawa Europa League kooxdoodu wajaheyso BATE Borisov ayaa tababare Wenger uu xaqiijiyay inuusan ka tageyn kooxda.

Waxa uu yiri: “Waxaan doonayaa inay sii joogaan kooxda, Haatan waxaan ciyaareynaa wareega isreebreebka Europa League oo aan dooneyno inaan ku guuleysano.

“Ma doonayo inaan noqono koox difaac ah oo ay ka tagaan ciyaartooy waaweyn bisha Janaayo ayuu yiri tababaraha Arsenal.

Everton iyo West Ham ayaa isha ku haya xaalada Walcott, oo dagaal ku wajahaya booskiisa Xulka England ee isku diyaarinaya ka qeyb galka koobka adduunka ee ka dhacaya Russsia.

Wilshere ayaa isna weli rajo ka leh inuu boos ka helo xulka tababare Gareth Southgate, laakiin waa inuu helaa fursad uu si joogta ah ugu ciyaaro.

Giroud ayaa todobaadkan digiin kala kulmay tababaraha xulka France, kaasoo ugu baaqay weeraryahanka inuu helo fursad uu ku ciyaaro haddii uu doonayo ka qeyb galka koobka adduunka.

Laakiin tababaraha Arsenal ayaa yiri: “Giroud wuxuu ciyaaray daqiiqado ka badan Alexandre Lacazette, Sidaas darted hadalka tababaraha France ma aheyn mid sax ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan