WARGEYSYADA: Eden Hazard, Jonny Evans, Jean Seri, Juan Mata Iyo Ciyaartooyda Kale Ee Suuqa Saaran Maanta Oo Khamiis Ah

0
863

ASWW, Kulanti wacan oo wanaagsan dhamaan aqristayaasheena sharafta mudan meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay maalin wanaagsan.

Maalin kasta waxaad nooga barateen inaan idin soo gudbino xantii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga iyo wararka ugu waaweyn oo ay qoraan wargeysyada ka hadla ciyaaraha ee dunida.

Xubintaan waxaa idin soo gubdinaya Hassan Abdi Ahmed( Iniesta) oo kamid ah shaqaalaha Shabakadda Ka faaloota ciyaaraha ee GOOL.NET xafiiskeda magalada Muqdisho.

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane iyo madaxweyne Florentino Perez ayaa xiriir la sameeyay kubadsameeyaha Chelsea Eden Hazard oo 26 jir ah. (Daily Mail)

Daafaca West Brom Jonny Evans oo 29 jir ah ayaa waxaa doonaya kooxaha Everton iyo West Ham, halka Manchester City ay weli xiiso u qabto. (Daily Mirror)

Manchester United ayaa u soo bandhigtay 29 jirka garabka uga ciyaara ee Juan Mata kooxda Inter Milan, si uu qeyb kaga noqdo heshiiska ay kula soo wareegayaan 24 jirka qadka dhexe ee Joao Mario. (Corriere dello Sport – Talyaaniga)

Manchester City iyo Liverpool ayaa doonaya 26 jirka qadka dhexe ee Nice Jean Seri, kaasoo sidoo kale lala xiriirinayo Barcelona. (Daily Mail)

Southampton ayaa daawatay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Basel Mohamed Elyounoussi oo 23. (Blick – in German)

Tababaraha West Ham David Moyes ayaa ka fikiraya inuu keydka dhigo goolhaye Joe Hart oo 30 jir ah kulanka Sabtida ay la ciyaarayaan Chelsea. (Guardian)

Weeraryahanka Bolton Wanderers Gary Madin oo 27 jir ah ayaa ka mid ah xiddigaha suuqa kala iibsiga ay ka dooneyso kooxda Sunderland bisha Janaayo. (Sunderland Echo)

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan