Kooxda Roma oo dalab cusub ka gudbinaysa xiddig ka ciyaara horyaalka Premier League

0
507

Kooxda kubadda cagta Roma ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa dib ugu soo laabtay doonistii laacibka garabka uga dheela naadiga Leicester City ee Riyad Mahrez, iyadoo doonaysa inay la wareego bisha Janaayo marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha sida wararku ay sheegayaan.

26-sano jirkaan ayaa doonayay inuu isaga tago garoonka King Power xagaagii, iyadoo kooxdiisa ka codsaday in la iska fasaxo, laakiin middaas kooxdiisa ayaa ka diiday.

Xiddiga xulka qaranka Algeria ayaa hadda noqday bartilmaameedka koowaad ee kooxda Roma bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Mahrez ayaa muujiyey qaab ciyaareedkiisa ugu fiican xilli ciyareedkan, iyadoo warsidaha reer Talyaani ee Calciomercato ay soo jeedinayso in Roma ay sii joogteynayso bartilmaameedkiisa xiddigan bisha soo socota marka suuqa kala iibsiga dib loo furo.

Si kastaba ha ahaatee, Giallorossi ayaa laga yaabaa inay Mahrez ka bixiso 45 milyan oo ginni, halka Barcelona ay sidoo kale soo bandhigtay xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka ku guuleystay abaal-marinta sanadka ee PFA xilli ciyaareedkii 2015-16.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan