Flop-kii Liverpool maanta wuxuu noqday mid Barcelona indhaha ku heyso

0
2742

 

Agaasimaha cayaaraha kooxda Barcelona Robert Fernandez ayaa lagu soo waramayaa inuu waqti ku bixinaayo daawashada iyo qiimeynta kubad sameeye Luis Alberto.

Luis Alberto waa 25-jir Spanish ah oo waqti wacana ku qaadanayo kooxda Lazio dhawaana xulka Spain ayaa loogu yeeray waana sababta keentay in Barcelona haatan ku fikireyso inay bisha Janaayo soo qaadato.

Luis Alberto oo horey Liverpool ugu fashilmay ayaa xili cayaareedkan Lazio u dhaliyay 4-gool sidoo kalena 7-kubadna caawinaad ka geestay asigoo cayaaray 15-kulan waxayna si wacan isku fahmeen Ciro Immobile.

Luis Alberto 11-gool ayuu u dhaliyay sidoo kalena 38-kulan ayuu u saftay Barcelona B balse uma suura galin inuu Barcelona kowaad ka mid noqdo wuxuuna ku biiray Liverpool xili cayaareedkii 2012/13.

Barcelona ayaa ku kalsoon inay Luis Alberto bisha Janaayo ku heli karto 30-milyan oo euro ah sidoo kalena ay kaga marmaami karan Philloippe Coutinho o ay diidan tahay inay Liverpool fasaxdo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan