Maxkamad la saari lahaa ciyaaryahan Franck Ribery oo Maanta dib u dhacday

0
711

Waxaa maanta dib u dhac ku yimid Maxkamad loo ballansanaa in la saaro laacibka kooxda Bayer Munich ee Waddanka Jarmalka Franck Ribery oo uu kiis dacwadeed ku soo oogay wakiilkiisii hore Bruno Heiderscheid, kaasoo sheegay in Ribery ka inkiray lacag 4 Milyan iyo 60 kun oo dollar ah.

Maxkamaddan oo ka dhici lahayd Munich ayaa la filayay in go’aan kama dambeys ah ka soo baxo, balse waxay dib u dhacday kaddib markii ay baaqatay diyaaraddii wakiilkan ka soo qaadi lahayd Brussels.

Waxa uu ku doodayaa wakiilku in uu haysto warqado caddeyn ah oo uu Ribery u saxiixay sanadkii 2006 xilligaas oo uu heshiisku ahaa in uu lacagtaas siiyo wakiilka.

Dhinaca kale Ribery ayaa isna beeniyay eedeyntan, wuxuuna sheegay in caddeymaha uu wakiilkiisii hore hor keenay maxkamadda ay yihiin kuwo been abuur ah oo uu isagu soo sameystay, hase yeeshee maxkamadda ayaa sheegtay in ay soo hubin doonto sax ahaanshaha caddeymaha soo gaaray, iyadoo haddii la ogaado in saxiixa Ribery uu yahay mid sax ah uu laacibku la kulmi doono ciqaabtiisa ku habboon.

Riberty ayaa sanadkii 2007 waxa uu ku soo biiray kooxda Bayer Munich, isagoo xilligaasi ka soo tegay kooxda Marseille ee Waddanka Faransiiska.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan