RASMI: Xiriirka UEFA oo ku dhawaaqay waqtiga la ciyaari doono kulamada lugta koowaad iyo lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka UCL

0
1300

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa waxay daaha ka qaadeen xilliga iyo waqtiga rasmiga ah ee la ciyaari doono ciyaaraha wareegga 16ka ee tartanka UEFA Champions League.

Isku aadka wareegga 16ka tartanka UCL ayaa waxaa la sameeyey shalay oo Isniin aheyd, iyadoo ay kasoo baxeen kulamo waa weyn oo si aad ah loo sugayo.

Ciyaarta dhexmari doonta Chelsea iyo Barcelona ayaa ah midda ugu adag ee ay taageereyaasha kubadda cagta oo dhan ay sugi weysan yihiin, maadaama uu xifaaltan soo jireen ah ka dhexeeyo labadaan kooxood.

Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale kulmi doona, halka Juventus ay ku beegantay kooxda Tottenham. Waqtiga la ciyaari doono kulamadaan ayaana haatan daaha laga qaaday.

CIYAARAHA LUGTA KOOWAAD EE WAREEGGA 16KA UEFA CHAMPIONS LEAGUE

13ka Bisha February Ee Sannadka 2018ka

  • Juventus vs. Tottenham
  • FC Basel vs. Manchester City

14ka Bisha February Ee Sannadka 2018ka

  • FC Porto vs. Liverpool
  • Real Madrid vs. PSG

20ka Bisha February Ee Sannadka 2018ka

  • Chelsea vs. Barcelona
  • Bayern Munich vs. Besiktas

21ka Bisha February Ee Sannadka 2018ka

  • Sevilla vs. Manchester United
  • Shakhtar Donetsk vs. AS Roma

CIYAARAHA LUGTA LABAAD EE WAREEGGA 16KA UEFA CHAMPIONS LEAGUE

6da Bisha March Ee Sannadka 2018ka

  • Liverpool vs. FC Porto
  • PSG vs. Real Madrid

7da Bisha March Ee Sannadka 2018ka

  • Tottenham vs. Juventus
  • Manchester City vs. FC Basel

13ka Bisha March Ee Sannadka 2018ka

  • Manchester United vs. Sevilla
  • AS Roma vs. Shakthtar Donetsk

14ka Bisha March Ee Sannadka 2018ka

  • Barcelona vs. Chelsea
  • Besiktas vs. Bayern Munich
SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan