Pierre-Emerick Aubameyang riyadiisa bisha Janaayo ayay u rumoobi doontaa

0
2097

 

Pierre-Emerick Aubameyang waligiis wuxuu ku riyoon jiray u cayaarista kooxda Real Madrid waxaana la sheegay in bisha Janaayo uu caasimada Spain xidigaan aadi doono.

Weeraryahankan Gabon u dhashay dalab cusub wuxuu ka helay Real Madrid sida Mundo Deprtivo ay qortay kana soo xigatay Metro aydoo dooneyso inay dhibaatada dhanka weerarka kaga baxdo.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez waxaa ku adkaatya helitaanka Mauro Icardi iyo Harry Kane sidaa darteed Aubameyang inuu gacanta kusoo dhigo ayuu go’aansaday.

Aubameyang ma ahan wuxuu qarsanaayo inu jecel yahay u cayaarista Real Madrid wuxuuna heestaa fursadii ugu wacneyd madaama kooxdiisa Dortmund dhawaan sheegtay inay xidigaan dhibaatada ku haayo iska iibin doonto.

Aubameyang waxay Real Madrid kusoo qaadan doontaa 70-milyan oo euro ah waana qiimaha ay naadiga Dortmund gool dhaliyahan xawaarihiisa aadka u sareeyo kaga maarmi karto.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan