Guardiola La Ligaha wuu bar bareeyay markaana Serie A-da ayuu u socdaa Iskoorka Inter u yaalo

0
1215

 

Kooxda Man City marhore ayay noqotay naadiga guulaha xariirka ugu badan EPL gaarto markii guusheedii 15-aad oo xariir ah arbacadii hore gaartay.

Balse City kulankii 4-1 ay ku xaaqday Spurs waxay ka dhigneyd inay 16-kulan oo xariir ah guuleestaan wuxuuna Guardiola iska bar bareeyay rikoor uu dhigay xiligii uu Barcelona macalin u ahaa.

Pep Guardiola hadafkiisa dhow wuxuu yahay inuu soo qabto Inter Milan oo 17-kulan xariir ah Serie A-da guuleesatay.

Sidoo kale hadii Man City sedexda kulan ee kusoo fool leh ay guuleesato wuxuu Pep bar bareen doonaa isla iskoorkiisii Bayern Munich 19-kulan xariir ah Bundesligaha guuleesatay.

City sedexda kulan ee kusoo fool leh EPL waxay la cayaari doontaa kooxaha Bournemouth (h), Newcastle (a) iyo Crystal Palace (a).

Fadlan hoos kaga bogo 5-horyaal Yurub ugu caansan iyo kooxaha heestaan iskoorka guulaha xariirka ah:

Bundesliga (Bayern Munich) oo guuleesatay 19-kulan xariir ah 2013/14

Serie A (Inter Milan) oo guuleesatay 17-kulan xariir ah 2006/07

La Liga (Barcelona/Real Madrid): 2010/11 ayay Barca guuleesatay 16-kulan xariir ah halka Real Madrid 16-kulan xariir ah guuleesatay isku gudubka labo xili cayaareed 2016/17waxay guuleesteen 12-kulan xariir ah halka 2017/18 afar kulan xariir ah guuleesteen.

Ligue 1 (AS Monaco) oo guuleesatay 16-kulan xariir ah 2016/17

Premier League (Man City) oo guuleesatay 16-kulan xariir ah 2017/18 welina iskoorkaan wey sii wadan karaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan