Inter ushii loo dhiibtay dib ayaa loga ceshtay madaama hogaanka Serie A-da Napoli la wareegtay!

0
411

 

Kooxda Inter Milan kulankeedii ugu dambeeyay waxay guuldaro 3-1 kala kulantay naadiga Udinese ayadoo garoonkeeda San Serio joogto.

Midaas waxay dhaxal siisay in hogaanka Serie A-da Talyaaniga dib ugu soo laabato naadiga Napoli oo inta badan xili cayaareedkan hormuud ahayd.

Napoli kulankeedii ugu dambeeyay waxay 3-1 guusha kaga qaadatay naadiga Torino ayagoo safar ah taasina waxay ka dhigtay inay 42-dhibcood la imaadeen 17-kulan ay cayaareen waxayna labo dhibcood hogaanka kaga hayaan Inter.

Kooxda Napoli sedexda gool waxaa u dhaliyeen xidigaheeda kala ah Kalidou Koulibaly, Piotr Zielinski iyo Marek Hamsik.

Andrea Belotti ayaa isagana abaarta goolasha ka baxay una dhaliyay goolka calanka ah naadiga Torino oo loogu awood sheegtay garoonkooda.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan