Neymar o ku xarakeeyay naadiga Rennes kulan uu labo jeer shabaqa soo taabtay

0
441

 

Neymar ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay kooxdiisa PSG 4-1 ku xasuuqday naadiga Rennes kana tirsana Ligue 1-ka France.

Neymar ayaa kooxdiisa Paris ka maqnaa labadii kulan ee ugu dambeesay wuxuuna lasoo laabtay xarakaadkii lagu yaqiinay asigoo daafacyada naadiga Rennes ka sameestay wixii uu doono.

Neymar bandhigiisa intaas kuma ekeyn sidoo kale Edinson Cavani iyo Kylian Mbappe goolasha ay dhaliyeen isaga ayaa caawinaad ka geestay.

Sidaa darteed soo laabashada Neymar waxay sameesay micno weyn asigoo afarta gool Paris guusha ku qaadatay laba dhaliyay labana caawiyay.

PSG guusha ay gaartay waxay kaga dhigan tahay inay haatan leedahay 47-dhibcood ayadoo cayaartay 18-kulan waxayna hogaanka 9-dhibcood kaga hayaan AS Monaco.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan