Wayne Rooney oo sheegay inuu ku raaxeesanay adeega uu bulshada u qabanaayo ee aan lacagta lagu siineyn!

0
645

 

Cayaaryahan Wayne Rooney bishii September ayaa lagu ganaaxay inuu gaari waday asigoo qamri cabsan xili habeen waqti dambe ah.

Wayne Rooney ganaaxii la dul saaray xiligaas wuxuu ahaa 100 saacadood inuu bulshada u adeego ayadoon aan wax lacag ah lagu siineyn, labo sano inuusan gaari wadi karin iyo lacago ganaax ah inuu bixiyo.

Wayne Rooney oo haatan adeega qaranka qabanaayo wuxuu yiri “Waan ogahay September wixii aan sameeya fal nacasnimo oo masuuliyad ka muuqdan inaysan ahayn, waana qirtay qaladkeygii”

“Hada waan ku raaxeesanayaa adeega aan bulshada u qabanaayo ma dhibsanaayo sidoo kalena kama faanayo”

“Waxaan rabaa inaan xitaa kusoo laabto goobasha bulshada loogu adeego madaama aan dad wanaagsan ku bartay shaqadaan aan lacagta la iigu siineyna waan ka helay”

Wayne Rooney ayaa todobaadkii kooxda Everton ka qaato £150,000 wuxuuna sameenayaa bandhig wacan gudaha garoonka marka laga hadlaayo asigoo xili cayaareedkan Premier League ka dhaliyay 9-gool.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan