11-maalmod ayuu suuqa Yurub furmi doonaa: Arsenal mise Everton ayuu ku biiri doonaa Steven N’Zonzi

0
549

 

Cayaaryahan Steven N’Zonzi oo khadka dhexe ku wanaagsan ayaa ilo aad ugu dhow saxaafada Ingiriiska u xaqiijiyeen inu bisha Janaayo EPL dib ugu soo laaban doono.

Sidaa darteed ayadoo 11-maalmood ka harsan tahay furitaanka suuqa Yurub waxaa durba la ogaaday Steven N’Zonzi Arsenal ama Everton midkood inuu ku biiri doono.

Steven N’Zonzi xalay magaalada London ayaa lagu arkay waana markii labaad ee uu dhawaanahan gudaha Ingiriiska dib ugu soo laabanayo sidoo kalena wakiilkiisa gudaha England ayuu usoo guuray.

Kooxda Sevilla caqabad kuma noqon doonto bixitaanka Steven N’Zonzi waxayna shaaca ka qaadeen in xidigaan ay ku fasaxayaan 40-milyan oo euro ah madaama qandaraaskiisa labo sano ka harsan tahay.

Steven N’Zonzi sanadii 2015 ayuu Premier League isaga tagay asigoo xiligaas Stoke City ka aaday Sevilla waana halka uu ku noqday xidig qaarada Yurub is baray khadka dhexene maamulideeda looga haray.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan