Liverpool daafaca ay ku raad joogtay oo loo sheegay inay bisha Janaayo iibsan karaan

0
686

 

Stefan De Vrij oo daafaca dhexe kaga cayaaro xulka Holland iyo naadiga Lazio ayaa la ogaaday in bisha Janaayo fasax u yahay inuu caasimada Italy isaga tago.

Madaxweynaha Lazio Claudio Lottio ayaa Stefan De Vrij u sheegay inuu Janaaayo bixi karo balse waa hadii uu helo naadi bixin karto lacagaha £30m ee qandaraaskiisa dul taalo.

Kooxda Liverpool ayaa baadi goob ugu jirtay daafacan tayada wanaagsan 18-bilood ee ugu dambeesay waxayna haatan Reds heesataa bisha Janaayo fursad ay daafacan gacanta ugu soo dhigi karto.

De Vrij ayaa xili cayaareedkan 21-kulan u saftay wadar ahaan xulkiisa Holland iyo Lazio wuxuuna dhaliyay 3-gool.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan