Weeraryahanka kooxda Everton ee Wayne Rooney oo adduun dhan £750,000 tabarucaad ku bixiyey

0
621

Weeraryahanka kooxda Everton ee Wayne Rooney ayaa saddex tabarucaad oo ay sameysay hay’addiisa waxa ay ka soo xareysay £750,000 iyadoo la shaaciyey qaabka lacagahaasi loo kala bixiyey.

Hay’adda Wayne Rooneyayaa £250,000 waxa ay ku wareejisay Hay’adda qaranka ee ka hortagaya dhibaatooyinkka lagula kaco carruurta [National Society for the Prevention of Cruelty to Children], waxaana sidoo kale lacago la gaarsiiyey Isbitaallada Wirral iyo Alder Hay.

Rooney oo 32-jir ah ayaa booqday mid kasta oo ka mid ah Isbitaallaadaas, kaddib kulankii ay Toffees guusha ka gaartay Swansea City.

Sidoo kale waxa uu weeraryahanka £100,000 gaarsiiyey qoysaskii dadkoodu ku waxyeeloobeen qaraxii ka dhacay Manchester Arena.

“Anigoo aabbe ah aad baan uga naxay in dad da’yar ku dhintaan qaraxaas, qalbigeyga waxa uu la jiraa dhammaan dadkii dhibaatadu soo gaartay, fadlan qofka waxa uu haayo ha siiyo.” ayuu yiri Rooney.

Dhinaca kale Rooney ayaa seegay kulankii dhexmaray kooxdiisa Everton iyo Chelsea Sabtidii, kaasoo ku dhammaaday goolal la’aan 0-0.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan