Antonio Conte Oo Hadlay Wararka Arturo Vidal La Xiriirinaya Kooxdiisa & Haddii Uu Kujiro Qorshahooda Suuqa Janaayo

0
628

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday in uu marwalba doonayo saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Arturo Vidal.

Conte ayaa qarin wayay qorshaha kooxda Chelsea kulasoo saxiixaneyso xiddiga Chile bisha Janaayo marka dib loo furo daaqada kala iibsiga ciyaartooyda.

Vidal ayaa hore ugu soo ciyaaray kooxdii Conte uu hogaamin jiray ee Juventus intii u dhaxeysay 2011 iyo 2014, ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bayern Munich.

Antonio Conte  iyo Arturo Vidal  oo ah saxiibo dhaw ayaa kuwada guuleystay seddex horyaal oo Serie A ah waqtigii ay ku sugnaayeen kooxda Juventus.

Wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Conte uu xiiso u qabo 30 jirkaan khadka dhexe ka ciyaara, isagoo doonaya inuu lasoo saxiixdo bisha soo aadan.

Xaq uma lihi inaan ka hadlo xaalada ciyaaryahan koox kale heshiis kula jira, gaar ahaan haddii aad isku daydo inaad la xiriirto waa mamnuuc” ayuu u sheegay suxufiyiinta markii laga weydiiyay kalsoonida uu ku qabo heshiiska Vidal.

“Arturo waa ciyaaryahan fantastik ah, waxaan ixtiraam weyn u hayaa isaga, waxaana sanadihii ugu wanaagsanaa kula qaatay Juventus, marwalba waan doonayaa inaan la shaqeeyo ayuu hadalkiisa ku daray Conte.

Vidal ayaa kusoo bilowday kaliya 11 kulan oo Bundesliga ah xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay shan gool.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan