LA OGAA: Xaaska Olivier Giroud Oo Diidan Qorshaha Weeraryahanka France Kaga Dhaqaaqayo Arsenal & Sababta Oo La Ogaaday

0
959

Tababaraha Everton Sam Allardyce ayaa sheegay in Olivier Giroud xaaskiisa ay mas’uul ka tahay weeraryahanka inuusan usoo dhaqaaqin garoonka Goodison Park.

Giroud ayaa la fahamsan yahay inuu ku dhawaa mar ku biirista Everton, laakiin xiddiga reer France ayaa go’aansaday inuu sii joogo kooxdiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Allardyce ayaa sheegay in xaaska Giroud ay ka dhaadhicisay ciyaaryahanka inuu sii joogo London oo ay aad u jeceshahay nolal ahaan.

Allardyce ayaa u sheegay suxufiyiinta markii la weydiiyay suurtagalnimada Giroud ugu soo dfhaqaaqayo Merseyside in aysan macquul aheyn waqtigaan.

“Ma doonayo inuu ka dhaqaaqo Waqooyiga London, umana maleynayo, in xaaskiisa ku farxi doontaa sidaas, waa wax aad muhiim u ah inaad qanciso xaaskaaga.

Giroud ayaa rajeynaya inuu ka tago Arsenal madaama uu boos ka doonayo xulka qaranka France ee isku diyaaarinaya ka qeyb galka koobka adduunka.

Weeraryahanka ayaa hadda dhaawac kaga maqnaan doona garoomada ilaa Bisha Febraayo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan