Tababare Gennaro Gattuso oo si adag uga hadlay kulanka caawa AC Milan iyo Inter Milan ee Coppa Italia

0
564

Tababaraha kooxda kubadda cagta AC Milan ee Coppa Italia ayaa si adag uga hadlay kulanka caawa ay la leeyihiin Inter Milan, waxaana uu shaaca ka qaaday in kulankan oo ka tirsan siddeed dhammaadka Coppa Italia uu uga dhigan yahay sida kama dambeysta Koobka Adduunka.

Kooxaha dariska ah ee AC Milan iyo Inter Milan ayaa caawa foodka isku dari doona siddeed dhammaadka Coppa Italia, marka ay saacadda geeska Afrika tahay 10:45 habeenimo, iyadoo kooxdii soo aadkaata ay afar dhammaadka tartankan la dheeli doonto Lazio.

Macallin Gattuso ayaa isagoo ka hadlayey kulanka caawa waxa uu Milan TV u sheegay: “Sida Final-ka Koobka Adduunka ayuu inoo yahay.”

“Cidna ma filaneyn dhibaatooyinkan badan aan ku jirno, laakiin kulanka Derby-ga wuxuu badeli karaa xilli ciyaareedkeenna maskixiyan iyo natiijo ahaanba.”

“Waxaan doonayaa inaan arko wax kasta oo aan sameynayno, balse waxaa intaa oo dhan ka horreeya inaan kubadda shabaqa dhex dhigno.”

AC Milan oo fadhisa kaalinta 11-aad ee horyaalka Talyaaniga ayaa caawa la ciyaareysa kooxda Inter Milan oo hoggaanka u haysa horyaalka Serie A.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan