Tababare soo maamulay Inter Milan oo diirada u saaran kooxda Ac Milan si uu badal ugu noqdo Gennaro Gattuso.

0
310

Tababarahii hore Inter Milan Roberto Mancini ayaan ku faraxsaneyn shaqadiisa haatan ee Zenit St Petersburg isagoo quuldareynaya inuu dib ugu soo laabto  talyaaniga si uu Ac Milan u maamulo.

Sida uu sheegay wargeyska La Gazzetta dello Sport, macalinka reer talyaani wuxuu lasoo xiriiray Marco Fassone iyo Massimiliano Mirabelli oo ay kasoo wada shaqeeyeen kooxda Inter Milan si uu badal ugu noqdo Gennaro Gattuso oo ku fashilmay inuu waayo cusub oo wacan u bilaabo kooxda sida weyn u dhibtooneysa.

53-jirkaan wuxuu shaqada Zenit qabtay bishii July isagoo la galay heshiis dhan ilaa June 2020, sanadkii wuxuu helaa aduun dhan 8 Malyan oo Euro.

Si kastaba ha ahaatee 31-kulan ayuu maamulay kooxda reer Russia, wuxuuna helay 17-guulood, 8-barbaro iyo 6-guuldaro.

Mancini wuxuu u xiisay ciyaaraha talyaaniga, wuxuuna haatan doonayaa inuu kasoo muuqdo kursiga keydka San Siro isagoo difaacaya maaliyadda Guduudka iyo madowga ag.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan