GOOS-GOOS+ SAWIRO: AC Milan Oo Garaacday Inter Milan Xili Da’yarka Patrick Cutrone Noqday Geesiga Ciyaarta

0
799

AC Milan ayaa boos ka heshay semi-finalka Coppa Italia kadib markii ay ku garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Inter 1-0, ciyaar 120 daqiiqo la ciyaray.

Weeraryahanka dhalinyarada ah ee kooxda AC Milan Patrick Cutrone ayaa goolka guusha dhaliyay intii lagu jiray 30 daqiiqo ee dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta.

Da’yarka Patrick Cutrone ayaa u horseeday kooxdiisa in ay gaarto semi-finalka Coppa Italia, iyadoo Gennaro Gattuso uu badiyay Derby-gii ugu horeeyay kooxdiisa.

Inter Milan oo xaaalad xun kujirta waxaa laga baadiyay saddex kamid ah shantii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.

Goolhayaha dhalinyarada ah ee Milan Antonio Donnarumma ayaa lagu aaminay goolka kadib markii uu dhaawac soo gaaaray ka hor bilowga ciyaarta Gianluigi Donnarumma.

AC Milan ayaa mar laga dhaliyay gool muran dhaliyay, inkastoo markii dambe aalada ‘VAR’ lagu ogaaday in goolka Inter Milan yahay mid garab dhaaf ah.

GOOS-GOOS CIYAARTA

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan