Manchester Utd Oo Kansashay Qorshe Bisha Janaayo Lagu Keeni Lahaa Antoine Griezmann & Sababta Oo La Ogaaday

0
1279

Barcelona ayaa war wanaagsan ka heshay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu weyn ee qorshaheeda suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, kadib markii Manchester United isaga baxday damacii ay ka laheyd Antoine Griezmann.

Kooxda Catalan ayaa wali raadineysa fursad ay kula soo wareegto Griezmann oo loo arko bedelka Neymar oo ku biiray kooxda Paris Saint-Germain.

Griezmann ayaa ka careysiin doona jamaahiirta kooxda Atletico Madrid haddii uu doorto u dhaqaaqista garoonka Camp Nou xili ciyaareedkaan.

Kooxda Manchester United ayaa dooneysay saxiixa xiddiga reer France xagaagii lasoo dhaafay, laakiin haatan kuma jiro qorshaha tababare Jose Mourinho.

Jose Mourinho ayaa taageere weyn u ah Griezmann, laakiin tababaraha Portugal kuma qanacsana qiimaha suuqa looga doonayo weeraryahanka France.

Red Devils ayaan ku soo laaban doonin tartankan ciyaaryahankaan bisha janaayo, taasoo fursad weyn u ah kooxda Barcelona.

Madaxweynaha Josep Maria Bartomeu ayaa wajahaya xaalad adag oo ku aadan saxiixa Philippe Coutinho oo katirsan Liverpool, laakiin wuxuu ku qancin karaa jamaahiirta kooxdiisa saxiixa Antoine Griezmann.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan