Juventus oo doonaysa inay goor hore soo gebagebeyso heshiiska xiddig ka tirsan kooxda Liverpool

0
403

Wararka ka imanaya Dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda kubadda cagta Juventus ay qorsheynayso in suuqa kala iibsiga ciyaartoyda marka uu dib u furmo ay si deg deg ah ula soo wareegto laacibka Khadka dhexe ee Liverpool Emre Can.

Emre ayaa heshiiskiisu soo gebageboobayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana u furan in laga bilaabo bisha Oktoobar ee soo socota uu la xaajoodo kooxduu doono.

Laakiin xiddigan ayaa waxaa indhaha la raacaya kooxo fara badan oo ay ka mid yihiin, Manchester City, Bayer Munich, Borussia Dortmund iyo Juventus, waxaana Wargeyska ‘Corriere dello sport’ uu qoray in Juventus ay ku dhow dahay in ay xiddigaasi la wareegto.

Warbixintu waxay intaa ku daraysaa in laf weynta Torino ay suurtogal tahay in 23-jirkaan ay gacanta ku soo dhigto marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga, iyadoo tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp uu diiday in xiddigaasi uu fasaxo xagaagii la soo dhaafay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan