Half Time: Kooxda Chelsea oo qeybta hore ku barbaratay Stoke City & halka ay kala marayaan kooxaha kale

0
210

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa 3-0 ku hoggaaminaysa qeybta hore naadiga Stoke City oo ay ku soo dhaweysay garoonkeeda Stamford Bridge kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Kulanka ka soconaya garoonka Stamford Bridge ayay Blues ku hoggaaminaysaa 3-0, waxaana Chelsea ay 3’daqiiqo hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu madax u dhaliyey Antonio Ruediger, kaddib karoos uu koorno ka soo qaaday Willian.

Markale Chelsea ayaa hoggaanka ciyaarta dheereysay kaddib markii kubbad uu ka tuuray afka hore ee goolka 9’daqiiqo Danny Drinkwater ay shabaqa Stoke gashay, isagoo uu iska daawanayey goolhaye Jack Butland, sidaas ayayna ciyaartu ku noqotay 2-0 ay ku gacan sarreysay Blues.

Kooxda tababare Conte oo qeybta hore ee kulankan aad u caaboonayd ayaa la timid goolka saddexaad ee ciyaarta, waxaana u dhaliyey 24’daqiiqo Pedro Rodriguez, kaddib markii uu shabaqa gaarsiiyey kubbad uu ka tuuray afka hore xerada rigoorada kaddib baas gaaban oo uu ka helay saaxiibkiisa Willian, kulanka ayaana sidaas ku noqday 3-0 lagu hoggaamiyey Stoke City.

Inkastoo Kooxda Stoke City laga diiday gool ay dhaliyeen oo uu garsoorku sheegay inuu xiddiga dhaliyey uu gacan ku qaatay markii hore, haddana sidaas ayaa lagu kala nastay 3-0 ay ku gacan sarreysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

La soco natiijada qeybta labaad ee ciyaarta…

Kooxaha kale ee haatan ciyaaraya Premier League iyo natiijooyinka ay ku kala nasteen qeybta hore hoos ka eeg:-

AFC Bournemouth 1 – 0 Everton

Huddersfield Town 0 – 0 Burnley

Liverpool 0 – 1 Leicester City

Newcastle United 0 – 0 Brighton & Hove Albion

Watford 1 – 0 Swansea City

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan