SERIE A: Kooxda AC Milan oo barbaro la soo gashay Fiorentina oo ay booqatay, xilli Donnarumma uu saftay kulankiisii… + SAWIRRO

0
337

Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa barbaro 1-1 la soo gashay naadiga Fiorentina oo ay booqatay, xilli goolhaye Donnarumma uu naadiga Milan u saftay kulankiisii 100-aad.

Hakan Calhanoglu ayaa guuldarro ka badbaadiyay kooxdiisa AC Milan, kulankaan oo ka tirsanaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Kulankan ayaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0, inkastoo labada kooxood ay isku heleen fursado goolal loo filan karay.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta, Fiorentina ayaa la soo laabatay dar dar, waxaana ka go’nayd inay hoggaanka u qabato ciyaarta.

Daqiiqaddii 71-aad ee ciyaarta Giovanni Simeone ayaa hoggaanka u dhiibay Fiorentina kaddib markii uu madaxeeyay kubbad karoos ahayd oo uga timid Cristiano Biraghi, wuxuuna ka dhigay kulanka 1-0 ay hoggaanka ku qabatay kooxdiisa.

Saddex daqiiqo kaddib goolkaas laga dhaliyey Milan ayaa la timid goolka barbaraha, waxaana u dhaliyey Hakan Calhanoglu, kaddib markii uu ka faa’iideystay qalad uu sameeyeen difaacyada Fiorentina kulanka ayaana waqtigii loogu talo galay ku soo idlaaday barbaro 1-1.

Dhinaca kale shabaq ilaaliyaha da’da yar ee kooxda AC Milan ee Gianluigi Donnarumma ayaa kooxdiisa u saftay kulankiisii 100-aad.

Ciyaartan ayaa middii 100-aad u ahayd Donnarumma oo haatan weli 18 jir ah, isagoo 19 jir noqon doona 25-ka bisha Febraayo.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan