Mourinho oo masaafurinaya Mkhitaryan, wuxuuna ku bedelayaa 24 sanno jir ay isku dal yihiin (Warbixin)

0
1297

Manchester United ayaa isha ku heysa inay 40 milyan oo ginni kula soo wareegto kubadsameeyaha kooxda Inter Milan Joao Mario.

Warbixintaan ayaana sheegeysa inay Man United dooneyso inay qeyb ka mid ah heshiiskaan u adeegsato Henrikh Mkhitaryan kaasoo ku biiraya Inter Milan.

Sida laga soo xigtay majaladda The Sun, tababare Jose Mourinho ayaa isha ku haya inuu Old Trafford keeno kubadsameeyaha reer Portugal Mario, waxaana uu Man United ka dirayaa xiddiga reer Almeria Mkhitaryan kaasoo uusan ku faraxsaneyn qaab ciyaareedkiisa.

28 sanno jirkaan Mkhitaryan ayaa lumiyey booskiisa Man United, kooxda Inter Milan ayaana diyaar u ah inay keento San Siro.

Mourinho ayaa sidoo kale u arka Mario xiddig mustaqbalka dheer bedeli kara Michael Carrick, laakiin 24 sanno jirkaan marnaba qiimo jaban laguma heli doono.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan