Antonio Conte oo beeniyey wararka sheegaya inay Chelsea lasoo wareegi doonto daafacaan u ciyaara Juventus

0
467

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa wuxuu meesha ka saaray wararka xanta ah ee sheegaya inuu inta lagu jiro bishaan Jannaayo ee uu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub uu lasoo wareegi doono daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Juventus Giorgio Chiellini.

Warbaahinta Italy ayaa soo jeedinayey inay Chelsea dalab ka gudbin doonto Giorgio Chiellini inta lagu jiro bishaan Jannaayo, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu daafaca reer Italy galay lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa kooxda Juventus.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaana si wanaagsan u garanaya tayada Giorgio Chiellini kaasoo uu kusoo maamulay kooxda Juventus iyo xulka qaranka Italy.

Balse markii wax laga weydiiyey wararka Chelsea la xiriirinaya saxiixa 33 sanno jirkaan, Conte wuxuu u jawaabay si dhaqsi ah wuxuuna beeniyey wararkaas xanta ah.

Conte wuxuu warbaahinta u sheegay ka hor kulanka Chelsea ay horyaalka England Premier League ku wajaheyso Arsenal: “Giorgio Chiellini waa ciyaaryahan wanaagsan, balse xirfaddiisa ciyaareed wuxuu ku dhammeysan doonaa kooxda Juventus. Waana wax u wanaagsan inuu xirfaddiisa ciyaareed habkaas kusoo afjaro”.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan