Emmanuel Adebayor oo shaaciyey tababarihii ugu xumaa iyo midkii ugu fiicnaa ee uu ka soo hoos ciyaaray waayihiisa

0
1637

Emmanuel Adebayor oo u soo ciyaaray kooxo waa weyn oo ka dhisan qaaradda Yurub ayaa shaaciyey tababarihii ugu xumaa iyo midkii ugu fiicnaa ee uu ka soo hoos ciyaaray.

Laacibkii hore ee kooxaha Arsenal, Manchester City, Real Madrid iyo Tottenham ayaa sheegay in tababarihii ugu xumaa ee uu ka soo hoos ciyaaray uu ahaa Roberto Mancini oo ku soo maamulay Manchester City.

Dhinaca kalena xiddigan reer Togo ee 33-sano jirka ah ayaa shaaca ka qaaday in macallinkii ugu fiicnaa ee uu ka soo hoos ciyaaray uu ahaa Tababaraha haatan maamula Manchester United ee Jose Mourinho oo uu ka hoos ciyaaray xilligii ay wada joogeen Real Madrid.

“Tababarihii ugu xumaa ee isoo mara waa Roberto Mancini, marna ma jeclaysan hababkiisa tababarka.” ayuu Adebayor u sheegay Warsidaha Hurriyet.

“Macallinkii ugu fiicnaa aan ebid la shaqeeyo shaki la’aan waa Jose Mourinho wuxuu leeyahay Jaceyl aan wax u dhigma jirin.”

Emmanuel Adebayor waxa uu iminka qabaa rajada ah inuu qaado horyaalkiisii ugu horreeyay ku guuleysto, maadaama ay naadigiisa Istanbul Basaksehir ay ku fadhiso hoggaanka horyaalka Turkiga.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan