Sergio Aguero oo labo arin suuqa Yurub laga hadlaayo fiidkan ka hadlay

1
1010

 

Sergio Kun Aguero oo weerarka kaga cayaaro naadiga Man City ayaa ka hadlay labo arimood oo suuqa Yurub laga hadlaayo fiidkan.

Aguero marka kowaad wuxuu sheegay inuusan kooxdiisa Man City ka tagi doonaan bishan Janaayo inta lagu guda jiro sidoo kalena saxaafada magaciisa qalad u hadal heyso xili Barcelona iyo Real Madrid lala xariirinaayo.

Aguero oo xili cayaareedkan City u dhaliyay 13-gool dhamaan tartamada kala duwan wuxuu yiri “City waxaan kula jiraa qandaraas 2020 ku eg qorshana iiguma jirto bishan Janaayo inaan baxo waan ku faraxsanahay joogitaanka halkaan”

Dhinaca kale Aguero wuxuu Harry Kane oo weerarka kaga cayaaro Tottenham ku booriyay inuu Real Madrid ku biiro sido kalena uu garoonka Bernabue la qabsan karo.

Aguero wuxuu yiri “Waxaan u maleynaa Kane inuu Real Madrid guulo la qeebsan karo, xaqiiqadana waxay tahay tayada uu leeyahay iyo cayaartooyda isaga ku heerka ah inay koox walbo wax u qaban karaan kana dhex muuqan karaan”

SHARE

Hal aragti

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan