Weli sinnaan la’aan ayaa ka jirta qeybinta lacagta xuquuqda baahinta ee La Liga – balse yaa sarreeya Barca iyo Real Madrid?

0
1343

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa weli ah labada kooxood ee lacagaha ugu badan ka helay qeybinta lacagta kaashka ah ee uu horyaalka La Liga ee dalka Spain ka qaato taleefashinnada adduunka u baahiya ciyaarihiisa (TV rights cash distribution) waana xisaab lagu saleeyey xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay 2016 illaa 2017.

La Azulgrana ayaa noqotay kooxda qaadatay lacagta ugu badan marka ay timaado qeybinta lacagaha xuquuqda baahinta horyaalka La Liga, iyadoo akoonka loogu shubay 146.2 milyan oo euros, waxayna ka sarreysaa Los Blancos.

Sinnaan la’aanta lacagaha laga helo xuquuqda baahinta horyaalka La Liga ayaa ah muran muddo dheer kasoo jiray horyaalka Spain. Maxaa yeelay marwalba waxaa lacagta loo badiyaa labada kooxood ee ugu weyn horyaalka Primera Division ee Real Madrid iyo Barcelona.

Tani waxay kasoo horjeeddaa nidaamka horyaalka England Premier League kaasoo looga daydo dhanka qeybinta lacagaha uga soo xarooda xuquuqda baahinta maadaama si siman loogu qeybiyo 20ka kooxood ee heerka koowaad iyadoo aan loo fiirineyn kooxda kaalinta ay kaga dhammeysatay horyaalka xilli ciyaareedkaas.

Maamulka horyaalka La Liga ayaase ballan qaaday inay arrintaan xal u heli doonaan. Barcelona ayaase akoonka loogu shubay 5 milyan oo euros in ka badan lacgata ay Real Madrid ka heshay xuquuqda baahinta horyaalka La Liga, iyadoo Los Blancos la siiyey 140.1 milyan oo euros.

Atletico Madrid oo booska seddaxaad ah ayaa la siiyey 99.2 milyan oo euros. Waxaana xusid mudan in Athletic Club la siiyey71 milyan oo euros, halka Valencia ay qaadatay 67.4 milyan oo euros.

Labada kooxood ee liiskaan ugu hooseeyana waa Alaves iyo Leganes kuwaasoo bankiga loogu shubay 39.3 milyan oo euros.

Qaabka lacagaha xuquuqda baahinta horyaalka La Liga loogu qeybiyey kooxaha oo lasoo saaray
SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan