Xiddiga diiradda u saaran Man United ee Sergej Milinkovic-Savic oo si cad uga hadlay Mustaqbalkiisa – Miyuu u dhaqaaqayaa Old Trafford?

0
1248

Sergej Milinkovic-Savic oo si cad uga hadlay mustaqbalkiisa ayaa shaaca ka qaaday inuusan ku riixeynin Lazio inuu ka tago bishaan, iyadoo la og yahay inuu bartilmaameed u yahay kooxo dhowr ah oo ay hurboodeyso Manchester United.

Bishii la soo dhaafay, waxaa shaaca laga qaaday in Red Devils ay aad ugu dheggan tahay xiddigan 22-sano jirka ah ee khadka dhexe oo ay doonayso inay la soo wareegto bishaan Janaayo.

Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale la la xiriirinayay xiddig si aad ah loo qiimeeyo, iyadoo warar xan ah ay sheegayaan in kooxda Faransiiska ay qorsheyneyso inay dalab 150 milyan oo gini ah ka gudbiso.

Si kastaba, Milinkovic-Savic ayaa soo jeediyey inuusan meelna uga socon kooxdiisa, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay nolosha Lazio, halkaasoo markii uu kaga yimid naadiga Genk sanadkii 2015.

“Waxaan diiradda saarayaa kaliya Lazio.” ayuu ciyaaryahanka khadka dhexe u sheegay jariirada Serbia ee Novosti.

“Xilli ciyaareedkan Serie A-da si weyn ayuu u fiicnaaday, maadaama aad arki karto xaqiiqda oo dhan kooxaha ayaa weli ku jira dadaalka Champions League ama Europa League.

“Koox ahaan, waxaan heysannaa hadaf cad oo ah afarta boos ee ugu sarreysa, sababtoo ah waxa ay u soo baxeysaa Champions League xilli ciyaareedka soo socda, taasina waa tartan aad u weyn, ma doonayo inaan ka tago Lazio, sababtoo ah haatan waan ku faraxsanahay Rome.” ayuu hadalkiisa ku daray Milinkovic-Savic.

Xilli ciyaareedkan, xiddiga xulka qaranka Serbia ayaa dhaliyey 7 gool isagoo abuuray labo caawin oo kale 24 kulan oo uu ciyaaray tartammada oo dhan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan