Weeraryahanka Arsenal ee Theo Walcott oo go’aansaday inuu ku biiro koox ka dhisan Talyaaniga – Waa tee?

0
553

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Theo Walcott ayaa la soo warinayaa inuu go’aansaday inuu heshiis amaah lix bilood ah ugu dhaqaaqo naadiga AC Milan ee ka dhisan dalka Talyaaniga.

Walcott ayaa ku dhibtooday inuu heli waqti uu ku ciyaaro xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, iyadoo weeraryahanka uu ciyaaray kaliya kaliya 50 daqiiqo, isagoo shan kulan ka soo kacay kursiga keydka.

Iyadoo 18 bilood kaliya ay ka hartay qandaraaskiisa, 28-sano jirkaan ayaa waxaa xiiseynaya kooxo ka kala dhisan gudaha iyo dibadda, waxaana la soo jeediyay in xiddiga heerka caalami ee dalka England uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo horyaalka Serie A.

Warsidaha reer Talyaani ee Corriere dello Sport, Walcott ayaa ku faraxsan inuu helo tartan cusub si uu u xoojiyo rajadiisa xulka England ee Koobka Adduunka 2018.

Walcott ayaa hadda ka maqan doorashada tababare Gareth Southgate, laakiin ciyaaryahankan weerarka ka dheela ayaa ku rajo weyn in qaab ciyaareedka uu ku soo bandhigo San Siro ay qasbi doonto in dib looga yeero xulka saddexda libaax.

Kooxdiisii hore ee Southampton ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa Walcott ka hor dhammaadka bishaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan