Chelsea oo calaameysatay tababarihii bedeli lahaa Antonio Conte xilli uu khilaaf labada dhinac soo kala dhex galay

0
843

Chelsea ayaa dooneysa inay gacanta kusoo dhigto tababare Diego Simeone oo maamula kooxda Atletico Madrid si ay ugu bedesho macalinkeeda Antonio Conte haddii ninka reer Italy uu dhammaadka xilli ciyaareedkaan ka huleelo Blues, sida ay warbaahintu sheegeyso.

Warbaahinta England ayaa Isbuucyadii ugu dambeeyey ku xan waramayey in uusan Conte ku faraxsaneyn kooxda ka dhisan Stamford Bridge.

Si kastaba ha ahaatee, waqti xaadirkaan maamulka kooxda Chelsea ma dejin qorshe ay ku raacdeynayaan tababare Conte oo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ku guuleystay koobka horyaalka England Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea iyo tababareheeda Conte ayaa laga yaabaa inay gaaraan heshiis wadajireed (Mutual agreement), si tababarihii hore ee Juventus uu xilkaan uga dego maadaama xilli ciyaareedka kooxdaani uu fashil u muuqdo.

Conte ayaa xagaagii lasoo dhaafay qandaraaska u dheereeyey Chelsea, balse hal sanno ayaa ka hari doona qandaraaskiisa marka uu xilli ciyaareedkaani soo idlaado, sidoo kale Conte wuxuu ka careysan yahay siyaasadda suuqa kala iibsiga ee Chelsea.

Maxaa yeelay 48 sanno jirkaan ayeysan maamulka kooxda Chelsea usoo iibin liiska ciyaartoydii uu ka doonayey suuqa kala iibsiga xagaagii lasoo dhaafay, waxaana lagu cadaadiyey inuu horumariyo ciyaartoyda dhallinyarada ah ee kooxda kuwaasoo uusan dooneyn.

Conte wuxuu doonayey xiddigo khibrad leh sida Alex Sandro, Leonardo Bonucci iyo Fernando Llorente kuwaasoo uu aaminsanaa inay kooxdiisa xitaa ka caawin karaan hanashada koobka UEFA Champions League balse looma soo iibin.

Sida laga soo xigtay majaladda The Times, Simeone ayaa haatan ugu sarreeya liiska tababareyaasha ay dooneyso Chelsea haddii uu baxo Conte. Waxaana xusid mudan in ninka reer Argentina laba sanno ka hor ay si xoogan u dooneysay Chelsea, ka hor inta uusan Conte imaan.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan