DEG DEG: Emre Can oo go’aansaday inuu ka tago Liverpool xilli uu heshiis la meeldhigay koox weyn oo Yurub ah

0
959

Burburiyaha kooxda Liverpool Emre Can ayaa hehsiis hordhac ah oo uu xagaaga soo aadan kula biirayo la meedhigay kooxda Juventus, sida laga soo xigtay Sky Sport Italia.

23 sanno jirkaan qadka dhexe ee heerka caalami ee dalka Germany ayaa wuxuu qandaraaskiisa Reds dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkaan, sidaas darteed xornimo ayuu u heystay inuu la hadlo koox walba oo ajnabi ah heshiisna la meeldhigo, maadaama uu galay lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa Liverpool.

Maamulka kooxda Liverpool ayaa weli isku deyaya inay Can ku qanciyaan saxiixa qandaraas cusub si uu usii joogo garoonka Anfield Road, xitaa tababare Jurgen Klopp ayaa caddeeyey inuu jeclaan lahaa haddii uu arko Can oo qandaraaskiisa dheereynaya goordambe oo xilli ciyaareedkaan ah.

Balse shabakadda Sky Sport Italia ayaa fahamsan inuu Can heshiis shaqsi ah haatan la meeldhigay kooxda difaacaneysa horyaalka Italian Serie A ee Juventus ka dib markii uu wadahadallo horumar sameeyey la yeeshay Khamiistii.

Can uma baahna inuu Liverpool ku wargeliyo waxa u qorsheysan xilli ciyaareedka soo aadan haddiiba uu go’aansaday inuu ka tago The Kop.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan